IMTIXAANKA DEEQDA WAXBARASHO EE HEERKA LABAAD EE JAAMACADDA

IMTIXAANKA DEEQDA WAXBARASHO EE HEERKA LABAAD EE JAAMACADDA
--------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Machadka Shaqaalaha Dawladdu saaka oo ay bishu tahay 30/Oct/2021, waxa uu ka qaaday imtixaanka kala saaridda dhammaan shaqaalihii ka socday Wasaaradihii iyo Hay'adihii loo qoondeeyay deeqda waxbarasho ee heerka labaad ee Jaamacadda Jigjiga ee soo xaraystay deeqda. Waxa ay deeqdani ahayd soddon kaalmood oo heerka labaad ee jaamacadda ah (Masters Degree), oo ay innasiisay Jaamacadda Jigjiga iyada oo soo dhex marisay Machadka Shaqaalaha Dawladda oo ay xidhiidh iyo wada shaqayn qoto dheeri ka dhaxayso.