22-Ogosto-2023 waxa Machadka Shaqaalaha Dawladda lagu soo martiqaaday Dr. Maxamuud Abdi Sh Axmed oo ah khabiir ku tukhasusay xallinta khilaafaadka. Kulankan oo ahaa mid aqoon korodhsi ah ayaa Dr. Maxa

22-Ogosto-2023 waxa Machadka Shaqaalaha Dawladda lagu soo martiqaaday Dr. Maxamuud Abdi Sh Axmed oo ah khabiir ku tukhasusay xallinta khilaafaadka. Kulankan oo ahaa mid aqoon korodhsi ah ayaa Dr. Maxamuud ku lafoguray heshiiska bulsho ee Somaliland (Social Contract in Somaliland), sooyaalka uu soo maray, iyo sida loo sii adkayn karo.
Ugu dambeyn, Cabdiqani Saleebaan Jaamac oo ah Hormuudka Kulliyadda Qaanuunka iyo macallin Khadar Maxamed Diiriye oo ah macallinka bixinayey maaddada ayaa si wadajir ah ugu mahadceliyey Dr. Maxamuud sida wanaagsan ee uu soo bandhigay aqoonta iyo waayo-aragnimada ku saabsan heshiiska bulsho ee Somaliland.