Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa shalay ka bilaabmay Tababar kaas oo ahaa la socodka, qiimaynta iyo xog ururinta (monitoring ,evaluation and data collection), Tababarkaa oo ay qadanayeen 28 qof oo k

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa shalay ka bilaabmay Tababar kaas oo ahaa la socodka, qiimaynta iyo xog ururinta (monitoring ,evaluation and data collection), Tababarkaa oo ay qadanayeen 28 qof oo ka kala socday 5 wasaaradood, wakhtiga uu soconayana waa 5 maalmood, tababarkan oo ay wada bixinayaan Machadka shaqaalaha Dawladda iyo Sanduuqa horumarinta soomaaliland, Sida oo kale waxaa tababarkan bixinayay khuburo ku takhasustay tababrkan oo kala ahaa Zakarie Bade iyo Abdirahman Haybe.
Ugu danbayn, Waxaa furay tababarkan Agaasimaha fulinta ee Machadka Shaqaalaha Dawladda Mudane Omer-sayid Qalonbi, Kuxigeenka Agaasimaha fulinta Machadka ee maamulka iyo maliyada Mustafe Ahmed iyo kuxigeenka Agaasimaha fulinta machadka ee Cilmi-baadhista iyo Taclinta Abadikadir Kamil.