Kulankii Masuuliyiinta Mashruuca Dib-u-Habaynta Shaqaalaha Dawladda ee (CSSP||).
Waxa aan maanta Xafiiska Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda ee CSI (Civil Service Institute- CSI), ku qaabilay masuul sare oo ka tirsan Bangiga Aduunta Mr. Gregory Kisunko, safar shaqo ku joogay magaalada Hargeysa ee JSL.
Intii kulanku socday, waxa aanu iska xogwaraysanay, waxa Machadka CSI uga qabsoomay hirginta Mashruuca Dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda iyo ilaa hadda waxa aan qabsoomin ee qorshaha ku jira.
Kulanka waxaa igu wehelinayay Masuuliyiinta Machadka; Ku-Xigeenka Agaasimaha Fulinta, Agaasimaha Tabbarada Gaagaaban, Agaasimaha Qorshaynta iyo Horumarinta, Agaasimaha IT-ga, Agaasimaha Akaadamiga iyo Saraakiil kale.
Gagabadii kulanka waxaa aanu isla afgaranay in la dardargaliyo hawlihii qorshaysnaa iyo socodsiinta qorsheyaasha tayayntashaqaalaha dawladda.