Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa Shalay ka qabsoomay kulankii todobaadlaha ahaa ee Agaasimayaasha kaas oo uu Shirgudoominayay Agaasimaha fulinta Machadka Shaqaalaha Dawladda Omer-sayid Qalonbi kulan

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa Shalay ka qabsoomay kulankii todobaadlaha ahaa ee Agaasimayaasha kaas oo uu Shirgudoominayay Agaasimaha fulinta Machadka Shaqaalaha Dawladda Omer-sayid Qalonbi kulankaas oo lagu gorfaynayay shaqooyinka u yaala machadka,Ugu horayn halka waxa warbixin kooban ka bixiyay Agaasimaha Machadka goboladda bari Eng-Sakariye Cabdixakiin Sumuni aya ka warbixiyay sida ay ugu socdaan hawlaha shaqo ee la xidhiidha waxbarashada heerka labaad ee machadka iyo waxqabadka sannadka wixii u qabsoomay.
dhanka kale waxaa warbixin kooban kabixiyay agasimaha waaxda tababarada iyo latalinta Amal Sulaiman Ahmed hawlaha shaqo uyaala. Sida oo kale waxa warbixin ka bixiyay Agaasimaha waaxda shaqaalaha Fatima Mohamed wakhtiga iyo warbinada ku saabsan waxqabadka sannadka dhamanaya, kuna adkeeyay waaxyaha inay wakhtiga loogu tala galay kuso gudbiyaan.
Ugu danbayn Agaasimaha Fulinta Machadka aya agasimayaasha ugu mahad naqay hawlaha adag ay u hayaan machadka iyo qarankaba kuna adkeyay halka kasiwadan.