Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa 4tii February ka qabsoomay kulankii Agaasimayasha kaas oo uu Shirgudoominayay kuxigeenka Agaasimaha fulinta Machadka ee dhinaca maamulka iyo maaliyada Mudane Mustaf

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa 4tii February ka qabsoomay kulankii Agaasimayasha kaas oo uu Shirgudoominayay kuxigeenka Agaasimaha fulinta Machadka ee dhinaca maamulka iyo maaliyada Mudane Mustafe Ahmed kulankaas oo lagu gorfaynayay dibna loogu eegayay shaqooyinka u yaala machadka iyada oo dhinacyo badan la taabtay, shaqooyinkaas oo ay ugu horayso in kor loogu qaado adeegyada waxbarasho ee ardayda.
Sida oo kale, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo horumarka ee machadka Mudane Mohamoud Saed Adaad ayaa waxbixin kooban ka bixiyay hab dib loogu eegayo tayada waxbarasho ee machadka gudaha iyo dabadaba kaas oo dhinacyo badan taabanaya.