Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay kulankii Agaasimayasha kaas oo uu Shirgudoominayay Agaasimaha fulinta Machadka Mudane Omer-sayid Qalonbi, agasimaha oo kawarbixiyay safarkiisi sha

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay kulankii Agaasimayasha kaas oo uu Shirgudoominayay Agaasimaha fulinta Machadka Mudane Omer-sayid Qalonbi, agasimaha oo kawarbixiyay safarkiisi shaqo ee uu dalka dibadiisa ugu baxay, dhanka kale kulankaas oo lagu gorfaynayay dibna loogu eegayay shaqooyinka u yaala machadka iyada oo dhinacyo badan la taabtay, shaqooyinkaas oo ay ugu horayso in kor loogu qaado adeegyada waxbarasho ee ardayda oo uu ka warbixinayay Agaasimaha waada Tacliinta Maxamed Xassan.
Sida oo kale, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo horumarka ee machadka Mudane Mohamoud Saed Adaad ayaa waxbixin kooban ka bixiyay warbixino ku saabsan dhanka xidhiidhka kudaha ee machadka.