Maanta oo taariikhdu tahay 18 february 2024, waxaa hoolka Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL - Civil Service Commission ka qabsoomay Xaflad taas oo lagusoo xidhayay Tababaro laguna gudoonsinayay Shaqaal

Maanta oo taariikhdu tahay 18 february 2024, waxaa hoolka Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL - Civil Service Commission ka qabsoomay Xaflad taas oo lagusoo xidhayay Tababaro laguna gudoonsinayay Shaqaalihii dhamaystay Tababaradaas, Tababaradaas oo Machadka Shaqaalaha Dawladdu Civil Service Institute CSI bixinayay ayna iska kashadeen Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund SDF).
Sida oo kale xafladda xidhitaanka ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka kala socotay hay'addaha iyo wasaaradaha dawladda oo iskugu jira Wasiiro, agaasimayaal guud iyo maamulka sare ee labada dhinac ee iska kaashanayay tababarkaas.