Xarunta Gobollada Bari ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda (Civil Service Institute-Burao Center )waxa ka bilaabmay waraysiga (interview) lagu kala saarayo macallimiinta soo codsaday dhigista Mac'hadka

Xarunta Gobollada Bari ee Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda (Civil Service Institute-Burao Center )waxa ka bilaabmay waraysiga (interview) lagu kala saarayo macallimiinta soo codsaday dhigista Mac'hadka Shaqaalaha Dawladda xaruntiisa Burco. Waxa waraysigaa u iba furay, sharraxaadna ka bixiyay ujeeddooyinka laga leeyahay waraysigan iyo kala xuliddan macallimiinta Agaasimaha Xarunta mudane Eng-Sakariye Cabdixakiin Sumuni. Macallimiintan kala xuliddoodu bilaabantay ayaa ka soo gudbay qiimayntii hore ee lagu sameeyay codsiyadooda shaqo (CVs), oo ay soo codsadeen macallimiin aad u tiro badani. Course kasta waxa u tartamaya macallimiinta u leh aqoonta iyo khibradda loo baahan yahay, si loo ilaaliyo tayada waxbarasho ee uu bixinayo Mac'hadku, waxana la qaadan doonaa barayaasha lagu qanco aqoontooda iyo khibraddooda barenimo.
Waxa waraysiga qaadaya dad aqoon u leh wax dhigista iyo kala xulidda macallimiinta oo ay u horreeyaan prof. Ahmed Muse Ismail iyo Rachel Christine Brown. Sidoo kale waxa ku weheliya waraysiga Madaxa Waxbarashada (Academics) ee xarunra Mustafe S. Bashe iyo Madaxa Qorshaynta ee xarunta Eng. Nagib Abdi Rabi