Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay kulankii bilaha ahaa ee Agaasimayaasha kaas oo ay Shirgudoominayeen Kuxigeenada Agaasimaha fulinta ee Machadka, sida oo kale Agaasima waaxda tababa

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay kulankii bilaha ahaa ee Agaasimayaasha kaas oo ay Shirgudoominayeen Kuxigeenada Agaasimaha fulinta ee Machadka, sida oo kale Agaasima waaxda tababarada aya ka warbixiyay tababarada u qorshaysay iyo sida loo qabanayo iyaga oo iska kashanaya sanduuqa horumarinta somaliland, halka uu Agaasimaha waaxda Qorshaynta iyo Homarunta uu ka warbixiyay horumarka sannadka qaybti sadaxaad ee ku suntan qorshaha sannadka ee waaxyaha ( Quarter three progress report ) dhanka kale Agaasimaha waaxda maamulka adeega guud ayaa ka warbixiyay hawlaha shaqo ku aadan dhankiisa iyo sida loo qabanyo.
Ugu danbayn, Iskuduwaha, waxbarashada heerka labaad ayaa isna ka warbixiyay sida ay ugu socdaan hawlaha shaqo ee uu yaala.