Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay kulankii todobaadlaha ahaa ee Agaasimayaasha kaas oo uu Shirgudoominayay Agaasimaha fulinta Machadka Shaqaalaha Dawladda Omer-sayid Qalonbi kulank

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa saaka ka qabsoomay kulankii todobaadlaha ahaa ee Agaasimayaasha kaas oo uu Shirgudoominayay Agaasimaha fulinta Machadka Shaqaalaha Dawladda Omer-sayid Qalonbi kulankaas oo lagu gorfaynayay shaqooyinka u yaala machadka,Ugu horayn halka waxa warbixin kooban ka bixiyay Kuxigeenka Agaasimaha Fulinta ee Cilmi-baadhista iyo taclinta Abadikadir Kamil sida ay u socoto waxbarasha heerka labaad ee Xaruunta Machadka Shaqaalaha ee gobollada bari, sida oo kale Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo humarinta Mohamoud Saed Adaad Ayaa kawarbixiyay in ay waaxyaha kala duwan ee machadku waxqabadkooda sannadka sifcn u qabteen.
Ugu danbayn Agaasimaha Fulinta Machadka aya agasimayaasha ugu mahad naqay hawlaha adag ay u hayaan machadka iyo qarankaba kuna adkeyay halka kasiwadan, dhanka kalena ay u diyar garooban diyaarinta qorshayasha sannadka so socda iyaga oo raacaya qorshe istaratijiyad ee u yaalay Machadka iyo Qorsha Horumarinta Qaranka.