Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa saaka ka qabsoomay tababar dib u eegis (Refresher Training) iyo is xasuusin lagu samaynayo tababar hore oo ahaa Maaraynta Mashaariicda oo ay qaateen 114 qof. Tababar

Machadka Shaqaalaha Dawladda waxaa saaka ka qabsoomay tababar dib u eegis (Refresher Training) iyo is xasuusin lagu samaynayo tababar hore oo ahaa Maaraynta Mashaariicda oo ay qaateen 114 qof. Tababarkan oo ujeedkiisu yahay is xog waraysi, khibrad wadaag iyo is xasuusin ayaa loogu talo galay in la gaadho 80% shaqaalaha hore u qaatay tababarka isaga hore oo soconayay muddo 3 maalmood ah mantana 20% hadhay qayb kamida lagaadhay.
Sida oo kale, waxaa warbixin koban ka bixiyay tababarkan Agaasimaha waaxda tababarada Mrs Amal Suleiman Hagoog, Waxaa iska kaashaday tababarkan Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund 2) iyo Machadka Shaqaalaha Dawladda.
Ugu danbayn, Tababarka waxaa kaso qayb galay furitankisa Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Shaqaalaha, Mr. Omer-sayid Qalonbi oo ay weheliyaan Agaasime ku xigeenadda fulinta ee Machadka Mr. Mustafe Ahmed iyo Mr. Abadikadir Kamil